Xasuuqii xerada qaxootiga Jabaliya ee Gaza 

Published: November 1, 2023

In ka badan 100 shacab ah ayaa ku dhintay duqeyntii ugu weyneyd oo ay diyaaradaha Israel la beegsadaan xerada qaxootiga ee ugu weyn Marinka Gaza ee Jabaliya.

Ugu yaraan lix gantaal ayaa lagu dhuftay bartamaha xaafadaha isku raranka ah ee ku dhexyaal xeradaasi, iyadoo dadka ku dhintay dhamaantood ah yihiin shacab.

Israel ayaa qiratay inay duqeynta geysatay iyadoo ku sheegtay inay bartilmaamsaneysay mid kamid ah hogaamiyayaasha Xamaas, ma soo bandhigin wax cadeyn ah.

Duqeyntan ayaa ku beegmaysa xili ciidamada lugta ee Israel ay gudaha u galeen weybo kamid ah waqooyiga Gaza, isla markaana la sheegayo in ciidamada Yahuuda uu khasaare kasoo gaaray dagaalada ka socda deegaankaasi, xerada Jabaliya ayaa ku taal waqooyiga Gaza.

Horseed Media