Xeer ilaalinta oo dacwad kale oo musuq ah soo gudbisey

Published: September 14, 2023
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed

Iyada oo la soo gebagebeeyey dacwaddii musuqmaasuqa, isla markaana maxkamaddu weydey caddeymo ku filan eedaysanayaashii hay’adda socdaalka iyo jinisyadda ayaa mar kale Xeer ilaaliyaha guud soo gudbiyey 6 qof oo kale oo ku eedeysan musuqmaasqu kuwaas oo dhamaantood ka shaqeeya waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda.

Xeerilaalinta ayaa ku eedeysey xatooyo xoolaha dadweynaha, been-abuur, ku takrifal awoodeed, qaadasho laaluush

Eedeysanayaashaas waxay ka howlgelayeen xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Wardhiigley, haatana loo yaqaan Warta nabadda, waxayna kala yihiin:

1 – Cabdi Maxamed Diirshe oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Xamarjajab, horayna u soo ahaa madixii xafiiskaas ee degmada Wartanabadda.

2 – Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim maamulihii xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

3 – Cabdulqaadir Maxamed Cali, Qasnajigii canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

by TaboolaSponsored LinksYou May Like
4 – Maxamed Ibraahim Xuseen, Kaaliyihii xafiiska qasnajiga canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

5 – Xasan Maxamed Cali, oo ahaa Hubiye xafiiska canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

6 – Xidigle Isaaq Xasan Macalin, oo ahaa Taliyaha laanta ilaalada canshuuraha berriga ee ciidanka booliska u joogay degmada Wartanabadda.

Ugu dambeyntii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu gacanta ku hayo baaritaanka dacwado kale oo musuq maasuq la xiriira.

“Markii ay soo dhamaadaan baaritaanada socda, waxaan u gudbi doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.