Xeer ilaaliyaha guud oo Baaris ku sameeyey 40 Eedaysane oo loo haysto Musuq maasuq?

Published: July 9, 2023

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo afartan ruux oo ku eeddeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida Warbaahinta Dowlada ay sheegtay.

Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato Baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.

Ololahan la dagaalanka Musuq Maasuqa ayaa ah mid ay hada si weyn diirada u saareyso Villa Soomaaliya, xili la sheegayo in uu jiro cadaadis iyo hoos u dhac ku yimid dhaqaalihii kabka miisaaniyada oo ay dowladu ka heli jirtay Bangiga Adduunka.

Horseed Media