Xeer Ilaaliye Sulayman: “ Sax maahan maalin kasta in aan liiska hore kaga jirno musuq-maasuqa..”

Published: September 7, 2020
Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Dr. Sulayman

Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Sulayman Maxamed Maxamuud oo ka hadlay sida ay dowlada federaalka Soomaaliya ula dagaalantay musuqmaasuqa ayaa ku tilmaamay talaabo wanaagsan oo horey loo qaaday.

Wuxuu sheegay in aysan haboonayn Soomaaliya inay sanadka kasta kaalinta koowaad ka gasho wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka, balse ay sanadkan laamaha cadaaladu sameeyeen dadaalo badan oo looga hortagayo falalkaas.

Xeer ilaaliye Sulayman ayaa hadalkan ka sheegay shir ay isugu yimaadeen hay’adaha cadaalada iyo garsoorka, kaas oo looga hadlayey dardargelinta hawlaha lagu dabar goonayo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa dhowaan xukuno ku riday masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaas oo lagu helay musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *