Xi Jinping oo booqasho ku tegay Morooko, wuxuu la kulmay dhaxal-sugaha

22 November, 2024

Maalgelinta Shiinaha ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhismaha tareenada dalka Morooko ayaa sare kacay sannadihii u dambeeyay.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa “booqasho kooban” ku tagay dalka Waqooyiga Afrika ee Marooko ka dib markii uu soo gabagabeeyay shirkii G20 ee Brazil.

Xi Jinping waxaa Casablanca ku soo dhaweeyay Dhaxalsugaha Boqortooyada Moulay El Hassan, taasoo wakaaladda wararka ee Morocco ee MAP ay ku tilmaantay mid ka tarjumaysa xiriirka xooggan ee saaxiibtinimaa, iskaashiga iyo wadajirka labada dal.

Waxa ay ku soo beegantay xilli Shiinuhu uu sare u qaaday maal-gashigiisa dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo tareenada Morocco.

U dhawaanshaha Morocco ee qaarada Yurub iyo heshiisyada ganacsiga xorta ah ee ay la leedahay Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa ka dhigaya suuq faa’iido u leh ganacsiyada Shiinaha, oo ay ku jiraan kuwa sameeya baabuurta korontada .

Bishii Juun 2024, shirkadda Shiinaha samaysa batteriga ee Gotion High Tech ayaa ku dhawaaqday inay qorsheynayso inay dhisto “Wershed weyn” oo ah noocii ugu horeysay ee Afrika oo ay ku kacayso $1.3 bilyan.