Xi Jinping oo markii saddexaad noqday hoggaamiyaha Shiinaha

Published: October 23, 2022

Xi Jinping ayaa markii saddexaad noqday hoggaamiyaha Shiinaha kadib kulan toddobaad socday oo looga hadlayay xoojinta maamulka xisbiga shuuciga ee haya awoodda.

Xi Jinping waxaa mar kale loo magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga, waxayna ka dhigan tahay in mar la gaaro bisha March dib loogu dooranayo madaxweynaha Shiinaha.

Wuxuu kasoo muuqday shirka guddiga xisbiga ee Politburo- oo ah guddiga ugu sarreeya ee leh go’aanka dowladda.

Xi Jinping wuxuu sheegay in xisbiga Shuuciga uu ku guuleystay in uu hirgeliyo bulsho dhexdhexaad ah oo barwaaqo gaartay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu hadda qaadi doono tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aaddan tallaabooyin lagu abuurayo bulsho hantiwadaag ah oo casri ah.

Horseed Media