Xidlhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacayo oo la dilay.

Published: March 23, 2020

Xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) ayaa laba nin oo bastoolado ku hubaysan waxay xalay ku toogteen bartamaha magaalada Gaalkacyo, Xildhibaanka ayaa dhaawac ahaan loo dhigay cusbitaalka Magaalada Gaalkacayo, Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaana sheegay in uu markii danbe dhintay.

Axmed Muuse Nuur Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay in dilkaan uu ka dhacay bartamaha magaalada, ayna uga shakisan-yihiin in ay yihiin dadkii dilka gaysan jiray oo uu ula jeeday Ururka Alshabaab..

Haa, waa isa’ soo kor taageen isagoo meherad ka soo horjeedda Somteel jooga, laba nin bay ahaayeen, bastoolad bay ku dhufteen, way carareen. Dariiqaa waxay soo mareen Saylaan, aaggaas markay marayeen askari qori sitaan ka horyimid isagiina xabad bay ku dhufteen oo waa dhaawac” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo warbaahinta gudaha u waramay.

Sidoo kale, dableeyda hubaysan oo aan gacanta lagu dhigin, ayaa dhaawac u gaystay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo meel kale kaga soo baxay, kadib markii ay ka soo carareen goobta ay xildhibaanka ku dileen.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *