Xiisad Dagaal iyo Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo Laga Dareemayo magaalada Gaalkacyo

Published: February 10, 2012

Dhaq dhaqaaq ciidan iyo xiisad colaadeed ayaa maanta laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug halkaasi oo ay isku urursanayaan maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda maamulada Puntland Iyo Galmudug.

Xiisadan ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug iyadoo saaka barqadii ay weerar ku qaadeen meleeshiyo ka soo jeeda waqooyiga Gaalkacyo Xaafada baraxley ee kuunfurta Gaalkacyo waxaana weerarkaas oo ka dhacay Hotel ambbesy ku dhaawacmay laba ruux

Weerarkan ay saaka qaaden kooxahan hubaysay ayaa ka danbaysay ka gadaal markii xalay dablay hubaysan oo ka soojeeda kuunfurta Mudug ay jidka u galeen gaari rakaab ah oo u safrayay degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxaana halkaas ay ku dileen 2 ruux oo ka mid rakaabkii sarnaa gaariga .

Dhanka kale wararka aan ka helayno deegaanada miyga ah ee u dhaw magalada Gaalkacyo waxaa haatan ka socda dagaal u dhaxeeya meleeshiyo beeledyo ka soo kala jeeda waqooyiga iyo kuunfurta gobolka Mudug .

Dagaalkan haatan ka socda deegaanka bitaale ee gobolka Mudug ayaa bilawday saaka waabarigii iyadoo labada dhinac ee ay dirirtu udhaxaysana ay soo gaareen gurmadyo uga imaanaya magaalada Gaalkacyo

Maamulada Puntland iyo Gal mudug oo ay ka soo jeedaan meleeshiyada haatan ku diriraya gobolka Mudug ayaan ka hadlin dagaalka haatan ka socda deegaanka bitaale iyo xiisad ka aloolsan gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay Gobolka Mudug ka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh.

 

Horseed Media