Xiisad ka taagan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag

Published: October 14, 2024

Wararka ka imaanaya Magaalada Baran ee Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in is rasaasayn dhexmartay ciidamada Puntland iyo wefdi uu hogaaminaayo Xildhibaan horey uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Dhoore kaas oo guddoomiye u ah maamul dhawaan looga dhawaaqey Muqdisho oo la baxay Maakhir.

Inta la og yahay laba qof oo dhinacyada rasaastu dhexmartey ayaa ku dhaawacmey rasaasta la is weydaarsadey.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxda Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoore ee Maakhir xalay lasii ogaa in laga hor istaagayo gelitaanka gudaha Magaalada Baran laakiin axay ku adkeysteen in ay magaalada xoog ku gelayaan.

Sidaan oo kale ayaa wefdiga Cabdiraxmaan Dhoore looga hor istaagey magaalada Dhahar in u booqdo, waxaana uu tegay magaalada uu ka soo jeedo ee Xingalool.

HORSEED MEDIA