Xiisada Guinea oo ay dad badan ku dhinteen & Beesha Caalamka oo dhex dhexaadin wada

Published: October 27, 2020

In ka badan 25 qof ayaa ku dhimatay xiisada ka taagan dalka Guinea kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxweynaha oo la sheegay inuu markii sadexaad ku guuleystay Madaxweynaha xilka haya Alpha Condé.

Mucaaridka dalkaasi ayaa diiday natiijada ay guddiga doorashada shaaciyeen, hogaamiyaha mucaaridka Cellou Dalein Diallo ayaa sheegay inuu isagu helay cododka intooda badan, waxayna taageerayashiisa wadaan banaanbaxyo keenay dhimasho iyo dhaawac.

Wafuud ka socota beesha caalamka oo ay hogaaminayaan Ergayga Qaramada Midoobay ee galbeedka Afrika iyo urur gobaleedka ECOWAS ayaa hada ku sugan caasimada dalkaasi ee Conakry.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *