Xil. Cabdulqaadir Bootaan oo dalka dibadiisa loo qaadey, kadib dhaawac culus oo soo gaarey

Published: March 9, 2017

Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa maanta diyaarad ka qaadey magaalada Gaalkacyo, kadib marki uu maalintii Arbacada dhaawac culus ka soo gaarey Bom lagu xirey gaarigiisa.

Wararku waxay sheegayaan in dhaawaca Xildhibaanka loo qaadey dalka Kenya.

Xil. Cabdulqaadir ayaa waxyeelo ka soo gaartey qaarka danbe, waxaana dhaawiciisu ahaa mid culus.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda iskudayga dil ee Xildhibaanka.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii hay’adda PSF ku soo bandhigtey Gaalkacyo gaari nooca xamuulka qaada oo lagu qabtey miinooyin noocyo kala duwan ah oo ay kamid ahaayeen nooca gawaarida lagu xiro, gaariga ayaa u socdey Bosaso marka la qabanaayey.

Ilaalada masuuliyiinta Puntland ayaa hadda bilaabey in ay waardiye ka qabtaan gawaarida ay wataan xitaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *