Xildhibaan Adam Smith oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka oo amaaney Puntland

Published: May 24, 2023

Congressman Adam Smith oo ka tirsan Aqalka Kongresska Maraykanka lagana soo doorto gobolka Washinton State ayaa war saxaafadeed ka soo saarey doorashooyinka Puntland ka bilaamaya maalnta khamiista ee 25 May.

Representative Adam Smith, ayaa yiri:

“Waxaan rajeynayaa in todobaadkan ay Puntland ka dhacdo doorasho taariikhi ah oo toos ah. Waxaan shacabka Puntland ku bogaadinayaa sida ay ugu heelan yihiin in ay horumariyaan ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

Adam Smith ayaa sheegay in Doorashooyinku waxay u taagan yihiin horumar wanaagsan oo lagu gaari karo himilooyinka dimoqraadiyadeed ee Puntland, qaybaha kale ee Soomaaliya, iyo dhammaan gobolka

“….Waxaanan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay xaqiijiyaan hanaan doorasho oo nabad ah. …..”

Adam Smith

Horseed Media