Ergayga Gaarka Arimaha Bini Aadanimada ee Soomaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa…
Ergayga Gaarka Arimaha Bini Aadanimada ee Soomaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook si weyn ugu eedeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay soo baxdey in uu Jarmalka u sheegay in qaxootiga sharciga loo diido lagu celin karo dalkoodi.
Xildhibaan Cabdiraxmaan oo saddex jeer oo hore u tartamey xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeyey Xasan Sheekh in waxqabad halkii laga sugaayey dadkii dhintey uu qabuuraha ka soo faagey , kuwa nool guryahoodi dumiyey kuwa baxsadey ee qaxootiga ahna uu dib u soo celinaayo waxaana uu oo qaatey saddex sawir oo kala duwan.
Madaxweyne Xasan, waxqabadkii ay dadka ka sugayeen wuxuu ugu beddelay; kuwo uu qubuuraha ka soo faago, kuwa uu guryaha ku dul-dumiyo iyo kuwa uu dibadda ka soo tarxiilo. Madaxweyne shacabka u tur.