Xildhibaan Deeq Xoolo ah Ku Wareejiyay Ciidamada Milateriga Federaalka

Published: March 15, 2020

Guddoomiye ku-xigeenka labaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa xoolo nool ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan jiidda hore dagaalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Deeqdan Xoolaha ayuu Guddoomiye Cawad u marsiiyay odoyaasha dhaqanka Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qaar ka mid ah odoyaasha oo goobta ka hadlay ay sheegeen in labada neef ee geela ah loogu talagalay in lagu dhiiri geliyo ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ka wada howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, ayna ku wareejiyeen Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka.

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo xoolaha lagu wareejiyay ayaa ka mahadceliyay sida ay u garab taaganyihiin dhiiri gelinta ciidanka, waxaana uu xusay in ciidamada ay dhawaan la wareegi doonaan deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Waxaan u mahadcelinayaa Odoyaasha Degmada Marka ee deeqda Geelle naloo soo marsiiyay iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka sida uu u gartay caawinta ciidanka, waxaan dhawaan maqli doontaan war ay ku farxaan bulshada oo ah inaan argagixisada ka xoreyno degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo goobo kale” ayuu yiri Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Ciidanka xoogga dalka ayaa dhawaanahan howlgallo qorsheysan ka wada deegaanno dhowr ah oo ka mid ah goobaha ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *