Xildhibaan Ilhaan Cumar oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Muqdisho

Published: December 27, 2022
Shares2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharafeed ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar ay muujisay karti, aqoon iyo firfircooni, taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay guusha ay ka gaartay Mareykanka. 

Sidoo kale waxa uu sheegay inay tusaale wanaagsan u tahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee hiigsigooda darteed meel sare ka gaaray siyaasadda dalalkooda.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka hadashay xafladda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyadoo ku ammaantay Xukuumadda guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaartay ciribtirka Al-shabaab.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Madaxweynaha Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaannada labada Aqal, Wasiirro iyo marti sharaf kale.

Horseed Media