Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Muqdisho lagu diley

Published: May 23, 2024

Fiidnimadii Arbacada waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dilka Xildhibaanka ayaa ka dhacay degmada Waaberi, waxaana dhawr xabadood looga dhuftey madaxa. Kooxda dilka geystey ayaa isla markiiba goobta ka baxsadey sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabicasiis Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey dilka marxuumka. Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in dilka Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan ay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab, isagoona sheegay in Xildhibaanka uu ka mid ahaa dadka doorka weyn kasoo qaatay nabadda, dowlad dhiska iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada reer Koonfur Galbeed.

“Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa muddo xileedkiisi dhaafey laba sano, sidoo kale Guddoomiyihii baarlamaankaas ayaa noqdey Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka jamhuuriyadda, ilaa hadda lama dooran ciddi beddeli lahayd.

HORSEED MEDIA