Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo

Published: March 8, 2017

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada.

Xildhibaanka dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Cabdiqaadir Faarax Bootaan, iyadoo wararka aynu ka helayno Gaalkacyo ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhaawacma xildhibaanka uu ahaa mid loogu xiray gaarigiisa.

Xiliga uu xildhibaanka ku dhaacmayey qaraxa ayaa ka soo baxay hotel Clasic , isagoo ku sii jeeday gudaha magalaada ee dhinaca Waqooyi.

Sidoo kale waxaa dhaawac ka soo gaaray qaraxa qof shacab ah oo la socday xuldhibaanka.

Dhaawaca soo gaaray xildhibaanka ayaa la sheegay in uu culus yahay, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba ha ahatee xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Mudug, waxana uu xubin ka ahaa guddiga nabad galyada ee loo xil-saaray Gobolka Mudug.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *