Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiillada Puntland oo ku geeriyooday Hindiya

Published: June 12, 2023

Allaha u naxariisto Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac oo ka tirsan Golaha wakiillada Puntland ayaa ku geeriyooday Dalka Hindiya.

Marxuumka oo mudooyinkii dambe xanuunsanaa ayaa dalkaas loo geeyey si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Jaamac Yaasiin.

Sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka.

Horseed Media