Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo Saraakiil Ciidan oo gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka magaalada Jalalaqsi

Published: October 16, 2022

Xilli ay howlgallo lagu baacsanayo Argagixisada ka socda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhiirigelin iyo garab istaag Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ugu tagey Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo Saraakiil Ciidan.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka magaaladda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka iyo Saraakiisha Ciidan ayaa maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Jalalaqsi, waxaana ay kulamo kula duwan uu la qaateen waxgaradka iyo maamulka degmadaasi si ay doorkooda uga qaataan kacdoonka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

Maalik Cabdalla iyo Saraakiisha ayaa ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee is garabsanaya ku dhiiri-galiyay in la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al shabaab.