Xildhibaan Sheekh Shariif OO khudbad adag ka jeediyey fadhigii baarlamaanka -VIDEO

Published: February 19, 2024
Shares12

Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ka hadlayay fadhiga wadajirka ah ee Baarlamaanka labadiisa aqal oo looga doodayo wax ka beddelka iyo dhameystirka Dastuurka ayaa sheegay in Dastuurka uu muhiim u yahay dowladnimada, isla markaana uu taageersan yahay in la dhameystiro, hase ahaatee sida hadda wax u socdaan aanu aheyn dhameystir ee uu yahay dastuur beddelid.

Dastuurku waa arrin muhiim u ah dowladnimada, muddo dheer waa soo socday, waxaan taageersanahay in dastuurka la dhameystiro, laakiin marka aad hadda fiiriso sida wax u socdaan dastuurku ma dhameystir baa mise waa dastuur beddelid, tusaale waxaa wax laga beddelay 45 qodob iyo 94 farqadood. Dastuurka haddii la beddelayo waxaa uu u baahan yahay nidaam ka duwan dhameystir, waxaa uu u baahan yahay la tashi ka ballaaran fadhigaan” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Xildhibaan Sheekh Shariif ayaa sheegay in dastuurka aysan ka marneyn gacmo siyaasadeed taasina tahay dhibaatada ugu weyn, isaga oo hoosta ka xariiqey markii xiligiisi la diyaarinaayey in aysan jirin hal qodob oo isaga gaar u ah oo uu ku darsadey.

Dhanka kale Madaxweynihii xore Sheekh Shariif ayaa si adag ugu eedeeyey Dowladda Xasan Sheekh dhibaatada dalka ka taagan ee kala qaybsanaanta ah, dayaca ciidamada haysta iyo in aan loo diyaar garoobin bixitaanka ATMIS ee sanadkan, ma ahan ayuu yiri maanta in laga doodo haweenku 30% miyey helayaan mise 28% ayaan ka dhignaa iyada oo dalka lagu soo duuley, la kala qaybsan yahay ciidankeenina dayacan yahay.

Horaeed media