Xildhibaan u olaleeya in UK ay aqoonsato Somaliland oo iska casilay xil uu ka hayay golaha wasiirada

Published: November 9, 2022
Shares48

Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee UK ayaa xilka iska casilay kadib markii lagu eedeeyay handadaad.

Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin.

Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu handaday qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin.

Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday rai’sul wasaaraha.

Rai’sul wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa uuna uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay.

Horseed Media