Xildhibaan Xasan Yare oo laga mamnuucay fadhiyada golaha shacabka BFS

8 December, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Madoobe ayaa ganaaxay xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo fal gacan qaad ah u geystay askari ka tirsan ilaalada xarunta golaha shacabka.

Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka, sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guud ahaan Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa dhankiisa raaligeliyey askariga uu falkii gacan qaadka ah kula kacay wuuna ka aqbalay.

Horseed Media