Xildhibaan Yaasiin Farey oo sheegay in Al-shabaab 10 qof oo shacab ah ku dishay Shabellaha Dhexe

Published: December 2, 2022

In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyada Al-shabaab ku qaadeen duleedka deegaanka Nuur-Dugle shalay.

Dad rayid ah oo ay ku jiraan waayeel ayaa la sheegey inay ka mid yihiin dadka ay Al-shabaabku ku dileen deegaankaas.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee wax ka hoggaaminaya hawlgalada ka socda Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toban qof oo shacab ah ku dishay tuulooyin hoostagga deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerartay fariisimo xoogaga deegaanka ku leeyihiin tuulooyinkaasi, isla-markaana ay iska caabin xoog leh kala kulmeen Macawiisleyda, sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa xusay ujeedada ay Shabaabku rayidka u beegsanayaan inay tahay, si ay uga hortaggaan kacdoonka dadka shacabka ah ee looga soo horjeedo Ururkaas.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Macawiisleyda ayaa horaantii bishii hore ee November la wareegay deegaanka Nuur Dugle iyo tuulooyinka hoostagga.

Horseed Media