Xildhibaanad Sacdiyo Salaad oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka

Published: April 28, 2022

Xildhibaanad Sacdiyo Yaasin Xaaji Samatar ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sacdiya Salaad Samatar ayaa wareegii 1-aad heshay codad dhan 58 cod, waxaana isbedelay jawiga Doorashada markii uu tanaasulay Musharax Maxamed Weli oo haystay 60-cod si cadna u sheegay in loo codeeyo Sacdiya Salaad.

Sidoo kale wareega labaad waxay ka guuleystay musharaxii la tartamayey ee Maxamed Cali Caana Nuug.

Xildhibaan Sacdiyo oo laga soo doortay Dowlad Goboleedka Puntland ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horraysay ee ka mid noqota Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *