Xildhibaanada Baarlamanka oo maanta yeelanaya kulan muhiim ah

Published: June 1, 2022

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ku saabsan Aqrinta Xeer Hoosaadka uu ku shaqeeyo Golaha ku leh xarunta Villa Hargeysa.

Kulanka waxaa shir guddoomin doono Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ioyadoo xildhibaanada loogu baaqay inay ka soo wada qeyb galaan.

Golahu oo aan fadhi yeelan tan & 15kii May 2022 oo ah waqtigii ay doorteen Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib u billaabaya fadhiyadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS ayaa sheegay in uu dardargelinayo howlaha horyaalla si muddo sharciyeedka dastuuriga ah ee Aqalkaan uu heysto loogu gabagabeeyo howlahaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *