Xildhibaanada degmada Dhahar ee Puntland oo meel adag ka istaagey heshiisyada xisbiyada

Published: September 13, 2023
Shares30

War saxaafadeed ka soo baxay 24 Xildhibaan oo kamid ah 33 xildhibaan ee degmada Dhahar xarunta gobolka haylaan ayaa sheegay in aysan sinaba u aqbali karin heshiisyo ururada siyaasaddu gaareen oo aysan waxba ka ogeyn kaas oo lagu beddlanaayo dano siyaasadeed.

Hoos ka kahri warsaxaafadeedka:

Anagoo ah xildhibaanada Golaha deegaanka Deg/ Dhahar ee kasoo baxay xisbiyada KAAH, Shaqaalaha, Mideeye, Mustaqbal, Ifiye iyo Sincad oo tixgelinayna rabitaanka Shacabka degmada Dhahar, anagoo tixraacayna xeerka Law No: 7 ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka dawlada Puntland kana hortegayna dib u dhac ku yimaada hanaanka dimuqaradiyada dawlada Puntland.

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa dhamaan cidda ay ku socoto warqadani iyo shacabkii nasoo doortay in aanan qayb ka ahayn, waxna ka ogayn hashiiska ay gaareen xisbiyada Dawlada Puntland mana jirto wax talo-gelyo ah oo laga waydiiyey xildhibanada golaha deeganka ee degmada Dhahar, sidaas darted, waxan soo jeedinaynaa in talada golaha loo daayo xildhibanadii ay codkooda ku doorteed shacabka deg/ Dhahar maadaaba ay wakiil uga yihiin dawlada sidoo ale waxan soo jeedin in tartan madaxbanaan loo galo gudoonka golaha deegaanka si loo doorto qof ay ku haysta dhamaan codka xildhibanada degmada.

Ugudamban waxaan ka digaynaa in aan codka shacabka dadwaynaha aanay xisbiyadu ku bedelan dano siyaasadeed ee ka jiro deegaamo kale ee aan ku xirnayn danta shacabka deg/ Dhaahr si looga hortago waxkasta oo keena kara kalsooni xumada iyo xisilooni darada Shacabka.