Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka qaadacay guddiga dhawaan…
Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka qaadacay guddiga dhawaan Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ay magacaabeen ee xeerarka doorashooyinka.
Warsaxaafadeed ay soo saareen 35 xildhibaan ayaa lagu taageeray mowqifka dowlad goboleedka Jubaland uu ka qaatay arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo damaca dowladda federaalka lagu sheegay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Jubaland ayaa shalay 10 November 2024 waxay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, waxaana ugu weyn waxyaabaha ay isku khilaafsanayn arrimaha doorashooyinka dalka.
Hoos ka akhriso:
Horseed Media