Xildhibaanada Galmudug oo Doortay Guddoomiye Cusub.

Published: January 17, 2020

Maxamed Nuur Gacal ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee barlamaanka ee maamul goboleedka Galmudug doorasho maanta ka dhacday magaaladda dhuusamareeb ee gobolka galguduud.

Guddiga doorashada oo ku dhawaaqay Natiijada codayntii wareega 1aad waxay ay sheegeen Mudane Maxamed Nuur Gacal uu guulaystay guddoomiyaha barlamaanka Galmudug, isagoo helay 54 Cod, halka musharixii la tartamayay ee Cabdinasir Aaden Cismaan uu helay 34 Cod, waxaa xumaaday 1 Cod ,iyadoo tirada xildhibaanada codeeyay ay ahaayeen 89 mudane.

Cabdullaahi Axmed Calasow oo ka mid ahaa musharixiinta ayaa tanaasulay ka hor intii ayan bilaaban wareega 1aad ee doorashadda.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay goordhowr doortaan guddoomiye Kuxigeenka Barlamaanka oo ay ku tartamayaan Sadaq Sheekh yuusuf iyo Cabdullaahi Xersi Maxamed halka ku xigeenka labaadna ay u tartamaan Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali.

HORSEEDMEIDA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *