Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha

Published: October 5, 2024

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 30-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka kulanka oo ku furmay 151-Xildhibaan waxaa ugu horeyn Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka-badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Xildhibaanadda Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday hindise sharciyeedyadan ayaa waxaa ogolaatay 151-Xildhibaan oo ah kooramka kulanka uu ku furmay mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyay ansixinta labadan hindise sharciyeed oo muhiim ahaa iyo talooyinka ay ku biiriyeen mudada ay socdeen doodaha iyo soojeedimaha.

Dhanka kale Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Afrika ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagtay warbixin ku saabsan shirka guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labada hindise sharciyeed loo gudbin doono Golaha Aqalka Sare maadaama xeritaanka kalfadhiga 5-aad uu ka harsan yahay mudo bil ah, isagoo mudanayaasha Golaha uga mahadceliyay sida ay waajibaadkooda dastuuriga u ah u guteen.

Horseed Media