Xildhibaanada Golaha Shacabka oo aqbalay codsigii Rayasal wasaare Xamse Cabdi

Published: July 25, 2022
Golaha oo aqbalay codsi uga yimi Ra’iisul wasaare Xamse

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ogolaaday codsi uu Ra’isul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre uu usoo gudbiyay gudddoonka Golaha.

Codsiga Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa in mudo 10 maalmood loogu daro waqtiga magacaabista Golaha Wasiirada oo ka bilaabaneyso maanta oo 25-ka Luulyo ah kuna eg 4-ta bisha Agoosto.

Codsiga waxaa haa ku ogolaatay 144-xildhibaan, halka hal xildhibaan uu diiday mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo waqtigii loogu talay dhisidda Golaha Wasiirada ka dhamaaday ayaa laga sugayaa in 10 maalmaad kadib soo magacaabo Gole Wasiiro tayeysan.

Waxaa si weyn la isu weydiinayaa daahitaanka aadka u dheer ee xukuumadda ku yimid, waxaana loo sababaynayaa in uu masuuliyadeeda lee yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii maalmoodba hal safar u baxaayey 70 maalmood ee uu xilka hayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *