Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ansixiyey heshiiska EAC

Published: February 10, 2024

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ayaa maanta oo Sabti ah fadhigoodi ku ansixiyey heshiiska Soomaaliya uga mid noqotey Ururka Dhaqaalaha Bulshada Afrika.

Kulanka ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa oggolaatay feshiiska ka mid noqoshada EAC, 148 Xildhibaan, 1 Xildhibaan ayaa diiday 1 Xildhibaana waa uu ka aamusay.

Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka nooqotay Ururkan sanadkii hore ka dib markii dowladda Soomaaliya deddaal badan ku bixisay.

Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga faa”iidaysan doona fursadan, iyagoo badeecadahooda u heli doona suuqaq u iibgeeyaan.

Ururka Bulshada Afrika waxaa ku mideysan 8 dal oo kala ah DR Kongo, Kenya, Yugaandha, Tansaaniya, Suudaanta Koonfureed, Ruwanda, Burundi iyo Soomaaliya.

Horseed Media