Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubaland oo La Dhaariyey

Kadib markii isla maanta oo Salaasa ah la shaaciyey liiska xildhibaanada baarlamaanka Jubaland oo ka kooban 75 xildhibaan ayaa isla caawa lagu dhaariyey magaalada Kismaayo.

Liiska Xildhibaanada ayaa ka kooban 75 xildhibaan, kuwaas oo 10 amid ah ay yihiin gabdho.

Xildhibaanada Jubaland ayaa fadhigoodi u horeeya yeelan doona maalinta berri ah ee Arbacada, kadib waxay iska dhex dooran doonaan shir guddoonkoodi.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa dhaarinta kadib hambalyo u direy Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Jubaland:

“Waxaan Hambalyo u dirayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada 3aad ee Jubaland oo maanta la dhaariyay anigoo rajaynaya in ay kasoo dhalaali doonan masuuliyada adag ee ay qaadeen isla markana ay ka shaqeeyaan sidii ay nabad iyo guul ugu dhamaan lahayd inta ka dhiman Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada”

Doorashada Madaxweynaha Jubaland ayaa la qorsheeyey in ay dhacdo maalinta Isniinta ah waxaana la aaminsan yahay musharaxa keliya ee guuleysan doona in uu yahay Axmed Madoobe oo tan iyo markii Jubaland la dhisey ka talinaayey.

Doorashadan waxaa si weyn u diidan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo dooneysa in Axmed Madoobe loogu daro hal sano oo muddo kordhin ah, kadib markii ay dhamaatey hal sano oo muddo kordhin ahayd, kadibna dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in muddo sanad ah doorashada caynkaas ah lagu qabto, maadaama laga soo bixi waayey ballantii la qaaday 2023.

Waxaa hadda la is weydiinayaa talaabada dowaladda federaalku qaadi doonto