Xildhibaanada labada Aqal ee Federaalka oo asnxiiyey xeerka Xisbiyada iyo ururada siyaasadda

20 November, 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa meel mariyey xeerka nidaaminaya Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federalka Soomaaliya oo mar kale manta yeeshay fadhi wadajir ah ayaa meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee Jamhuuriyadda.

Kulanka ayaa la sheegay in ay soo xaadireen xildhibaano gaaraya 177 Xildhibaan, iyada oo Xildhibaanada ugu badan ee laga soo doorto Jubaland Iyo Puntland ay kulanka ka maqan yihiin.

Xildhibaannada soo xaadiray kulanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, waxaana ogolaatay 177 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay, sida uu shaaciyay guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sidoo kale u mahadceliyay labada gole oo tallaabo kale u qaaday doorashada qof iyo codka ah.

Maalintii sabtida ayaa sidaan oo kale ay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanku meel-mariyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha, kaas oo ay isna si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka iyo senatorada Aqalka Sare. Xildhibaanada banaanka ka jooga xeerarkan ayaa sheegay in Kooramku aanu dhameyn oo ay fadhiyeen xildhibaano gaaraya 120 Xildhibaan oo keliya.

Waxaa hadda dhiman xeerka Doorashooyinka qof Iyo cod oo lagu wado in isla todobaadkan la ansixiyo.

Xeerarkan ayaa si weyn la isugu khilaafsan yahay. Kalfadhigii Baarlamaanka oo irmey ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh codsadey muddo bil ah in lagu daro si saddexda xeer loo ansixiyo.