Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka

Published: June 30, 2022

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah yeeshay ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka,

Ansixinta miisaaniyadda waxaa (Haa) ku ogolaatay 204-xildhhibaan.

Xildhibaannada ayaa Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay dood adag ka yeeshay Arrimaha la xariira Miisaaniyadda, waxaana hortagay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo si weyn su,aallo looga weydiiyay Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda dawlada ee Sanadkaan  2022, ayaa gaaraysa adduun lacageed oo dhan 918.7 milyan oo dollar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *