Xildhibaanada labada Gole ee BFS oo ka doodaya ansixinta wax ka badalka Dastuurka KMG

Published: February 12, 2024

Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa  ka doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Labada gole ayaa maanta loo qeybinayaa nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka,  iyadoo goluhu warbixin ka dhageysan doono guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole sidoo kalena golaha waxaa la siin doonaa jadwalka doodda oo maalmo soco doonta.

Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayuu soo diyaariyey guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka waxaana cutubka 1-aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.

Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha.

Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.