Xildhibaanada labada Gole oo maalintii saddexaad su’aalo weydiinaya Wasiir Beyle

Published: June 30, 2022

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii saddexaad kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa, waxaana Ajendaha kulanka uu yahay Akhrinta 3-aad ee Miisaaniyadda dowladda ee sandka 2022.

Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay su’aalo weydiinayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hortagayey Xildhibaanada, iyadoo Wasiirka wax laga weydiinayey Arrimo ku aadan Miisaaniyadda.

Xildhibaanada ayaa Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ku eedeeyay in uusan xisaab xir sameeynin dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo uu Wasiirka ku dooday in Wasaaradda Maaliyadda ay sameeysay xisaab xir.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si toos ah kaga jawaabayay su’aalo adeg oo ay weydiinayeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoona mararka qaarkood Wasiirka uu dood galayay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa maanta lagu wadaa inay ansixiyaan Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sandkaan 2022, taasi oo ay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *