Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo la dhaariyey

Published: April 25, 2022

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa caawa lagu dhaariyey 16-kii xildhibaan ee laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubaland.

Dhaarinta xildhibaanadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee baarlamanka Cabdikariim Cabdi Buux.

Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Xildhibaanada 16-ka ah ee la dhaariyey ayaa sidoo kale la siiyey kaararka aqoonsiga, taasi oo u fududeyneysa inay ka qeyb galaan kulamada golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad.

Xildhibaanadan ayaa 23-kii bishan lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq, kadib markii guddiga doorashada heer federaal ay go’aamiyeen inaysan doorasho ka dhici karin magaalada Garbahaarey, oo aheyd deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *