Xildhibaannada Puntland ku metela Baarlamaanka Federaalka oo war kasoo saaray dagaalkii Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso

Published: July 12, 2022

Qaar kamid ah Xildhibaannada Puntland ku metela Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dagaalkii khasaaraha geystay ee labada Ciidan ku dhexmaray Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay shaqaaqadaas ku tilmaameen mid nasiib darro ah, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda, Midnimada iyo kala dambaynta Puntland.

“Xildhibaanada Puntland ku matala labada Gole ee Baarlamaanka federalku waxay markasta u taagan yihiin, ilaalinta midnimada iyo wada-shaqayn hufan oo dhex marta Dawladda Federalka ah iyo Puntland”ayuu lagu yiri qoraal ay si wada jir ah u soo saareen.

Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara kala fogaansho ku yimaada Dawladda Federalka iyo Puntland.

Ugu dambayn, Xildhibaannada waxa ka codsadeen Maamulka Puntland, ganacsada, qurbojoogta iyo cid kasta oo door ka qaadan karta in loo istaago gargaaridda dadka abaartu cayraysay iyo kuwa hadda la tacaalaya.

In ka badan 12 Ruux oo isugu jiro Shacab iyo askar ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkii Afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada PSF iyo PMPF oo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *