Xildhibaano ka tirsan BDFS oo kasoo horjeestay war-saxafadeedkii ay qabteen wasiirada DFS.

Published: March 22, 2020

Qaar ka mid ah xildhibaanada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ee laga soo doorto deegaaanada Puntland kana qayb-galay shirkii wada-tashiga Puntland ayaa kasoo horjeestay war-saxaafadeedkii ay soo saareen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanadaa ayaa sheegay in guud ahaan ay taageersan-yihiin war-murtiyeedkii shirka wada-tashiga Puntland kasoo baxay, sidoo kale waxay sheegeen waftigii wasiirada Dawlada Federaalka ah ee soomaaliya in aysan iyagan matalin.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa sheegay in wasiirada heer Federaal ay ka abaal-dhaceen hab-maamuuskii loogu sameeyay Shirkii Garoowe islamarkaana ay deel-qaaf u geysteen ergooyinkii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay Shirkaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *