Xildhibaano ka tirsan Puntland oo kormeeray xabsiga dhexe ee Boosaaso

Published: May 27, 2024

Xildhibaano ka tirsan Guddiyada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku maraya xarimaha loogu adeego dadka ee Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xubnahan ayaa kormeerooda shaqo ee maanta oo isniin ah ka bilaabay Xabsiga dhexe ee magaalda Boosaaso, waxayna halkaas kula kulmeen taliska xabsiga iyagoo warbixino ka siiyeen Xaaladda guud xabsiga, sidoo kale waxay kormeereen xaalada maxaabista ku xiran.

Xildhibaannada ka socda Baarlamaanka Puntland waxay kormeereen qayba kamida saldhigyada Magaaladda Boosaaso si ay ugu kuurgalaan xaaladda Saldhigyada.

Ugu dambayn Guddiyada ayaa kormeer ku tegey Maxkamadda derajada 1aad ee Degmadda Boosaaso iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Beri, iyagoo kula kulmay guddoomiyaha Maxakmada darajada 1-aad iyo Guddoomiyaha Maxakmada Racfaanka iyagoo u kuurgalay xaalada Garsoorka Gobolka Bari.

Guddi hoosaadka Caddaaladda ee baarlamaanka ayaa la filayaa in ay dhawaan arbixin horgeeyaan furitaanka kafadhiga golaha wakiilada Puntland oo lagu wado in uu furmo bartamaha bisha Juun 2024.

HORSEED MEDIA