Xildhibaano katirsan BJFS ee laga soo doortay degaanada KGS oo ka digay muddo kordhinta Madaxweyne Laftagareen

Published: December 17, 2022

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee laga soo doortay degaanada Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas.

Xildhibaanadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 12 mudane ayaa ka digay muddo kordhinta loo sameeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

War ay si wadajir ah u soo saareen Xildhibaanada ayey ku sheegeen sida ay muhiim u tahay in aan wax muddo kordhin la sameyn.

Xildhibaannada ayaa ugu baaqay Madaxweyne Laftagareen in uu qabto doorasho ku dhacda xilligii loogu tala galay.

Muddo xileedka rasmiga ah ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku eg laba maalin kadib 19ka biishan.

Horseed Media