Xildhibaanada Galmudug oo kalsoonida kala laabtay madaxweyne Guuleed

Published: January 10, 2017

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa kalsoonidii kala laabtay madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed kadib markii ay xildhibaanadaasi shir ku yeesheen magaalada Cadaado.

54 xildhibaan ayaa meelmariyay in madaxweyne Guuleed xilka laga qaaado.

Shalay ayaa in ka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ay mooshin ka keenay madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay ku eedeeyeen in uu joojiyay hawlihii maamulka.

Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareeda yaa sheegay in la soo magacaabi doono guddi doorasho oo soo diyaariya doorashada madaxweyne cusub.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *