Xildhibanaada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Hay’adda Socdaalka

Published: February 18, 2023
Shares2

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaha, ka dib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulankaasi ayaa cod loogu qaaday Hindise Sharciyeedkan.

Gudoomiye Kuxigeenka oo shaaciyay natiijada codeynta ayaa sheegay in 149 Xildhibaan ay ogol ugu codeysay Hindise Sharciyeedkaasi, isagoo sheegay in 1 Xildhibaan uu ka aamusay, isla-markaana aanay jirin cid ka aamustay.

Ansixinta Golaha Shacabka ee Hindise Sharciyeedkan ayaa mid sharci ah ka dhigeysa Sharciga Hay’adda Socdaalka.

Horseed Media