Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 9-aad ee Golaha Shacabka.
Kalfadhiga ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
Guddoomiyaha Guddiga Xeer-Hoosaadka Anshaxa iyo Xasaannadda Mudaneyaasha Golaha Shacabka Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa xildhibaannada u sharaxay xaadiridda fadhiyada Golaha, iyadoo uu sheegay in muhiim ay tahay isla-markaana Mudaneyaasha Golaha la doonaayo inay ka shaqeeyaan sharuucda muhiimka u ah dalka.
Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka Golaha ayaa tilmaamay in laga soo shaqeeyo hindise sharciyeedyada loo qeybiyay Golaha lana soo xaadiro fadhiyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Horseed Media