Xilliga Doorashada Shir-guddoonka Aqalaka Sare oo la shaaciyey

Published: January 16, 2017

MudanayaashaAqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta shirkoodi u horeeyey ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana ay shirkooda ku doorteen Guddiga qaban-qaabada doorashada shir guddoonka Aqalka sare oo ka kobnaan doona Guddoomiye iyo laba ku-xigeen.

Fadhiga waxaa ka soo qayb-galay 44 Mudaneoo ka tirsan Aqalka sare kaas oo tiradisa guud la doonayo in ay noqoto 54 mudane

Mudanayaasha Aqalka sareayaa u doortey 6 mudaneoo ah guddiga qaban-qaabada.

  1. Maxamed Cismaan Faarax laga soo doortey Hirshabeelle.
  2. Jawaahir Axmed Cilmi laga soo doortey Galmudug
  3. Farxaan Cali Xuseen laga soo doortey Puntland.
  4. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag laga soo doortey Jubbaland.
  5. Cabdirisaaq Axmed Cali oo laga soo doortey Somaliland.
  6. Xuseen Sheekh Maxamuud oo laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa isla maanta fadhigoodi u horeeyey yeeshay waxaana ay iska dhex doorteen guddooniyaha guddiga qaban-qaabada kaas oo loo doortey Maxamed Cismaan Faarax , waxaana ay muddeeyeen oo ku dhawaaqeen xiliga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha Aqalka sare iyo labadiisa ku-xigeen.

Doorsshada Guddoomiyaha ayaa dhacaysa 22 Janaayo 2017, sida ay ku dhawaaqeen guddiga qaban-qaabada.

Dhanka kale waxaa maanta Muqdisho laga doortey saddex Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka sare kuwaas oo ka socda maamulka Somaliland. waxaana magacyada saddexda Xildhibaan ay kala yihiin

  • Ayuub Ismaacil Yusuf
  • Nuurto Faarax Jaamac
  • Deeqo Xasan Xuseen

Caasha Axmed Cabdalla ayaa wararku sheegayaan in ay ka qaybgashey doorashadii maanta isla markaana laga guuleystey, kursiga Caasha u tartantey ayaa ahaa kamid ahaa laba kursi oo muran xooggan ka taagnaa.

Kadib marka ay dhamaato doorashada Aqalka sare ayaa Xildhibaanada labada aqal oo la isku daray dooraan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo loo badinaayo in ay dhacayso dhamaadka janaayo ama bilowga Feberaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *