4 March, 2023
Xilbiga aqlabiyadda heysta ee madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa helay 57 kursi, halka xisbiga…
Xilbiga aqlabiyadda heysta ee madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa helay 57 kursi, halka xisbiga mucaaradka ah ee ka qeyb galay doorashadan u helay 7 kursi.
Guddiga dastuuriga dalka Jabuuti, ayaa ansixiyay natiijadi hor-dhaca ahayd ee guddiga doorashada dalka Jabuuti.
Maalinta bari oo ah Axad, ayaa waxa xarunta Golaha Shacabka isugu imaan doono mudanayasha cusub ee baarlaamaanka, oo 35% ay haween yihiin dalka oo dan.
Ajandaha bari ayaa waxa uu yahay dhaarinta xildhibaanada cusub, iyadoo intaas kadib la dooran doono guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti.
Horseed Media