Xilliga la qabanayo doorashada kursigii uu baneeyey Mahad Salaad oo la shaaciyey

Published: January 28, 2023
Shares62

Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee doorashada kuraasta ka dhimman Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo kursiga HOP174 ee uu banneeyay Agaasimaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Salaad.

Kursigan ayaa deegaan doorashadiisu waxa ay tahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay inay doorashada kursigan ay dhici doonto kowda bisha soo socota ee February.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale dhawaan shaacin doona xilliga la qaban doono doorashada kuraasta kale ee ka dhimman Golaha Shacabka.

Horseed Media