Xiritaanka Kalfadhiga Baarlamaanka oo dib loo dhigey

Published: November 2, 2024
by: Horseed Staff

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa u codeeyey codsi Madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyey oo ahaa in aan kalfadhiga la xirin ee lagu daro muddo bil ah.

Iyada oo aan laga doodin soo jeedinta Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Aadan madoobe cod geliyey taas oo buuq dhalisey, waxaana la arkaayey Xildhibaanda oo qaylinaya.

Guddoomiye aadan madoobe ayaa sheegay in kooramka ay soo xaadireen 193 Xildhibaan, 12 qof ayaa diidey codsiga ayuu yiri waxaana oggolaadey 181 xildhibaan.

Madaxweynaha ayaa doonaya in mudadaas bisha ah baarlamaanku ansixiyaan xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha.

Golaha Wadatashiga Qaran oo aan loo dhameyn ayaa gaarey in muddo 7 bilood kadib ah lagu qabto doorashooyinka goloyaasha deegaanka ee dalka sidoo kale doorashada Baarlamaanada Dowlad Goboledyada iyo tan Madaxweynayaasha la qabto bisha September 2025, taas oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay sida ay ku qabsoomi karto. Puntland Iyo Jubaland ayaa ka maqan GWQ ee go’aamada gaarey, waxaana ka horyimid Madaxweynayaashii hore, raysalwasaare hore iyo siyaasiyiin kale.

HORSEED MEDIA