Xisbiga Shaqaalaha oo ku guuleystey doorashadii Ustraaliya

Published: May 22, 2022

Doorashadii baarlamaanka ee Sabtidii ka dhacday dalka Australia ayaa soo afjartay muddo ku dhow toban sano oo xisbiga Conservative-ka uu talada dalka hayay. Raiisel wasaaraha xilka kasii dagaya Scott Morrison ayaa qirtay guuldarada habeenkii xalay ee doorashada.

Maalinta Talaadada, ra’iisul wasaaraha cusub, Anthony Albanese ee Xisbiga shaqaalaha, ayaa u matali doona Australia shir madaxeed ka dhacaya Tokyo. Isla miiska waxaa fadhiya Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida iyo Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi.

Guushan waxay wax badan ka sheegaysaa waddankeenna quruxda badan in wiil ay dhashay hooyo keligeed ah oo hawlgab ah uu caawa hortiinna soo istaagi karo isagoo ah Ra’iisul Wasaaraha Australia ah, Albanese yaa sidaas yiri kadib guushii xibigiisa.

Anthony Albanese ayaa ku dhawaaqey in uu ka takhalusaayo kala qaybsanaanta dadka Australia.

Waxaan filayaa in dadku ay rabaan inay wada shaqeeyaan, dib u eegaan danaha ka dhexeeya, diiradda saaraan hadafka guud. Waxay ila tahay in dadku ay ku filnan tahay kala qaybsanaan ay soo arkeen, waxa ay hadda rabaan oo ah in dal ahaan loo midoobo, waana midda aan rabo inaan hoggaamiyo.

Albanese waxa loo doortay baarlamaanka sannadkii 1996-kii, waxaana lagu tilmaama siyaasi khibar sare leh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *