Published: July 31, 2020
Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay in xukuumadii dhacday ee sii-haysa xukunka inay magacowdo golaha garsoorka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay golaha adeegga garsoorka oo ah laanta seddexaad ee dowlada inay awood u leedahay inay magacawdo xukuumad haysata kalsoonida Baraalamaanka.
Waxayna ku eedeeyeen xukuumadda xilka sii-haysa inay hareer martay dastuurka ayna sharci darro tahay inay ansixiyaan xubnada golaha garsoorka.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:
Horseed Media